Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in guud ahaan wadanka laga hirgeliyay 6,500 oo ah fasallo loogu talagalay inay ardayda ku qaataan casharrada manhajka tacliinta ee CBC.
Arrintan ayuu shaaca ka qaaday xilli uu dugsiga sare ee gabdhaha ee Buru Buru ee magaalada Nairobi ka dhagax dhigay dhisidda mid ka mid ah fasalladan.
Wasiir Magoha ayaa hoosta ka xarriiqay in lagu guulaysan doono qorshaha lagu dhisayo ilaa 10,000 oo ah fasallada CBC sida uu horay amar ugu bixiyay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Cabinet Secretary for Education Prof. George Magoha says the private school sector will have more than 5000 classrooms ready for Competency Based Curriculum learners pic.twitter.com/BCSpAxFfOB
— EduMinKenya (@EduMinKenya) June 18, 2022