Kenya ayaa ka mid ah waddamada dunida ee maanta looga dabbaal degaya maalinta aabayaasha.
Xaaladdan ayaa waxaa keenta in hooyada iyo aabaha ay kala tagaan ama ay geeriyootay.
Mid ka mid ah odayaasha maareeya nolosha ubadkooda iyagoo aan hooyo garab ka helin ayaa sheegaya inay adag tahay in aabaha uu soo shaqeeyo sidoo kalena si dhow ula socdo carruurtiisa.
Mwangi Boniface oo warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale muujiyay dareenkiisa ku aaddan sida ay bulshadu ula dhaqanto.
Guddoomiyaha gole-diimeedka iskudhafka ah Anthony Muheria ayaa dhankiisa baaq u diray aabayaasha.
Xuskan ayaa caalamka lagu qabtaa taariikhyo kala duwan in kastoo loo badan yahay Axadda saddexaad ee bisha June oo maanta ku beegan.
Dabbaal degga maalinta aabayaasha ayaa dalalka Spain iyo Portugal ka dhaco 8-da bisha Siddeedaad.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in waalidiinta aabayaasha ah ee keligood carruurta korriya la dhiirigeliyo si ay dadaalkooda u sii wadaan.