Booliska oo aqoonsaday mid ka mid ah burcad dil ka gaysatay goob ganacsi oo ku taalla Nairobi

0
515

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa billowday baadigoobka koox burcad ah oo sabtidii laba qof oo ganacsato ah ku toogatay suuqa Adams ee waddada Ngong ee magaalada Nairobi.
Mid ka mid ah burcadda dilka gaysatay oo laga dhex arkay kaameerada duubta muuqaallada qarsoon ee CCTV ayay waaxda DCI-da dadweynaha ka codsatay in ay gacan ka gaystaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa eedeysanahan.
Booliska ayaa ka shakiyay in ninka burcadda ee kaameerada qarsoon qabatay inuu ka mid yahay tuugada aadka u bartilmaameedsata xarumaha Mpesa-da ee magaalada Nairobi iyo nawaaxigeeda.
Labada qof oo ay burcadda dishay ayaa mid ka mid ah goobta ku geeriyootay halka qofka kale uu 3 cisho ka dib uu dhaawac culus oo soo gaaray u dhintay.
Waxaa labada qof ee la dilay magacyadooda lagu kala sheegay Sophia Gathoni Maina oo ay da’adeeda tahay 53 sano jir ah iyo Paul Githinji Gitau oo 50 sano jir ah.
Sophia Gathoni ayaa la toogtay xilli ay ku sugneyd xarunteeda ganacsi halka Githinji laga takhalusay xilli uu ka falcelinayay qaylada haweeneyda.