Garsoorka dalka oo gabagabeeyay dhageysiga 9 ka mid ah kiisaska hadallada naceybka

0
386

Madaxa cadaaladda dalka garsoore Martha Koome ayaa sheegtay inay soo gabagabeeyeen dhageysiga 9 ka mid ah 21 kiis oo la xiriira hadallada naceybka kuwaasoo loo gudbiyay maxkamadda.
Hadalkan ayay ka sheegtay munaasabad lagu soo bandhigayay qorshaha qaran ee ka dhanka ah hadallada naceybka ku saleysan.
Waxay Koome hoosta ka xarriiqday in wasaaradda cadaaladda ay ka go’an tahay dhameystirka dacwadaha haray.
Madaxa cadaaladda wadanka ayaa laga soo xigtay inay dardargelin doonaan dhagaysiga kiisaskan si loo dhameystiro ka hor doorashada guud.
Guddoomiyaha guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ,Samuel Kobia ayaa dhankiisa sheegay inay howlgeliyaan in ka badan 50 sarkaal oo loo xilsaaray inay si dhow ula socdaan waxyaabaha naceybka ku saleysan ee kala qaybsanaan ka dhex abuuri karo bulshada.
Shakhsiyaadkan ayaa ka shaqeynaya 47-da ismaamul ee ay Kenya ka kooban tahay.
Waxay si dhow dabagal ugu sameyn doonaan isku soo baxyada siyaasadeed iyo kulamada diimeed si loo helo caddeyn loo adeegsan karo maxkamadeynta dadka bulshada kala geynaya.