Kenyaanka oo lagu boorriyay inay qaataan tallaalka COVID-19

0
229

Ka dib markii maalmihii ugu dambeeyay ay kordheen xaaladaha cusub ee cudurka COVID-19 ee gudaha wadanka ayaa shacabka loogu baaqay inay qaataan dawooyinka tallaalka ee lagula tacaalaya caabuqa.
Waxaa baaqan dirtay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda caafimaadka dalka Susan Mochache.
Mochache, ayaa laga soo xigtay in keliya 386,983 ruux ay ilaa iyo hadda qaateen irbadda xoojinaysa tallaalka.
Waxay intaasi ku dartay in wasaaraddu ay adeegsatay dawooyinka tallaalka oo kor u dhaafaya 18 milyan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo 24-kii saacadood ee la soo dhaafay Kenya laga diiwaangeliyay xaaladaha cusub ee cudurka oo gaaraya 467 tani oo tirada guud ee kiisaska corona ka dhigtay 327,892 .