Kenya oo sheegtay inay ka qoomamayneyso in calanka Somaliland lagu arkay goob safiirro lagu casuumay

0
421

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay ka xun tahay in calanka jamhuuriyadda Somaliland ee sheegatay inay ka madax bannaan tahay dalka Soomaaliya lagu dhex arkay xarunta dhexe ee wasaaradda arrimaha gudaha oo uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ku casuumay safiirrada uu fadhigoodu yahay Kenya.
War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayay ku sheegtay inay ka xun tahay in calanka Somaliland si aan ku talagal ahayn uu uga soo muuqaday shirkii diblomaasiyadda ee shalay.
Hasa ahaate wasaradda ayaan xusin in wakiil matalayay Somalilanad uu ku sugnaa goobta safiirrada lagu casuumay.
Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay inay ka xun tahay dhibaatada ka dhalatay arrintaas.
Waxaa wasaaradda sheegtay inay tixgelineyso madaxbannaanida hal dowladeed oo federaal ah ee Soomaaliya.
War-saxaafadeedka ayaa ku soo aadaya xilli shalay safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmad Nuur Tarsan la sheegay inuu isaga baxay shir ay madaxtooyada Kenya isugu yeertay safiirrada uu fadhigooda yahay wadanka, ka dib markii uu kulankaasi ku arkay mas’uuliyiin matalayay Somaliland, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan safaarrada Soomaaliya.