Senatarka Nairobi oo haysto ilaa duhurnimada maanta si uu u keeno caddeymo ka dhan dacwad laga gudbiyay

0
515

Senatarka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa haysta ilaa duhurnimada maanta si uu u keeno caddeymo ka dhan ah dacwado laga gudbiyay.
Sakaja oo ka mid ah musharraxiinta xilka barasaabnimo ayaa laga gudbiyay dacwado gaaraya ilaa afar.
Shakhsiyaadka dacwadaha gudbiyay ayaa ku doodaya in Johnson Sakaja uunan haysan shahaadada jaamacadeed ee heerka Degree.
Kiiska laga gudbiyay senetarka Nairobi ayaa looga soo horjeedaa sababta IEBC ay Sakaja ugu ansaxisay inuu u tartamo xilka guddoomiyaha ee caasimadda dalka in kastoo tuhun la geliyay shahaadadiisa waxbarasho.
Waxaa uu mas’uulkan iska fogeeyay dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay.
Dhanka kale, jaamacadda Nairobi oo u wax ka soo bartay senetarka dowlad deegaanka Nairobi Johnson Sakaja ayaa sheegtay inuu ka qallinjabiyay jaamacadooda, hasa ahaate uusan xaruntaasi wali ka dhammaanin.