DHAGEYSO:Martha Karua oo isku soo bax siyaasadeed ku qabatay Uasin Gishu

0
477

Ku xigeenka musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya , Martha Karua ayaa shalay isku soo bax siyaasadeed ku qabatay magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu.
Waxay sheegtay inay diiradda saarayaan xoojinta midnimada shacabka , kobcinta dhaqaale iyo la tacaalidda saboolnimada.

Sidoo kale waxay soo hadal qaadday daryeelka caafimaad ee Babacare ee uu Raila Odinga sheegay inuu dhaqangelin doono haddii 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan loo doorto hoggaanka ugu sarreeya dalka.

Martha Karua ayaa ka hadashay qorshaha Azimio ee ah in tacliinta dalka ilaa heer jaamacadeed laga dhigo mid lacag la’aan ah.

Ku xigeenka musharraxa madaxweyne ee Azimio ayaa sheegtay in qorshahooda hoggaamineed ay ka mid yihiin taageeridda wax soo saarka ismaamul kasta iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.