Kooxda guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC u qaabilsan xallinta murannada ayaa Arbacada dhageysan doonto dacwado ka dhan ah senatarka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja.
Sakaja oo ka mid ah musharraxiinta xilka barasaabnimo ayaa laga gudbiyay dacwado gaaraya ilaa afar.
Kiisaskan ayaa looga soo horjeedaa sababta IEBC ay Sakaja ugu ansaxisay inuu u tartamo xilka guddoomiyaha ee caasimadda dalka in kastoo tuhun la geliyay shahaadadiisa waxbarasho.
Afarta qof ee dacwadda gudbiyay ayaa ku doodaya in Johnson Sakaja uunan haysan shahaadada jaamacadeed ee heerka Degree.
Sakaja ayaa shalay ka soo hormuuqday maxkamadda Milimani isagoo uu wehelinaya ku xigeenkiisa James Muchiri.
Guddiga matalaya IEBC ayaa sheegay inuu hal kiis ka dhigay dacwadaha laga gudbiyay mas’uulkan oona la dhagaysan doono 15-ka bisha oo Arbaco ku beegan.