IEBC oo sheegtay in ugu yaraan 240 ,000 qof oo geeriyooday ay diiwaangashan yihiin

0
549

Warbixinta hor dhaca ah ee baaritaannada lagu sameeyay diiwaanka codbixiyeyaasha dalka ayaa muujinaysa inay weli keydka ku jiraan macluumaadka 246,465 oo ah codbixiyeyaal aan hadda nooleyn.
Gudddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati, ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan 481,711 oo macluumaad nuqullo ah ama in ka badan hal mar la keydiyay.
Sidoo kale 226,143 codbixiyeyaal ah ayaa isku diiwaangeliyay aqoonsiyo qaran oo aynan iyaga lahayn.
Guddoomiyaha IEBC ayaa sheegay inay horay u shaaciyeen in warbixinta kama dambeyska ee diiwaanka codbixiyeyaasha la soo saaraya maanta hasa ahaate taasi dib loo dhigay.
Isbeddelka ku yimid qorshihii hore ee guddiga ayuu Mr. Chebukati u sababeeyay inay dhaqangelinayaan waxyaabaha lagu ogaaday baaritaannada dabagalka ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in shirkadda KMPG ay guddiga warbixin la wadaagi doonto 16-ka bishan June si taariikhdu marka ay tahay 17-ka bishan liiska kama dambeyska ee dadweynaha loogu bandhigo saamileyda siyaasadeed.