Ugu yaraan 22 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen shil laga soo tabiyay dalka Pakistan.
Tani ayaa timid ka dib markii baabuur si xowli ah loo kaxeynayay uu ka baxay waddo ku taalla meel buuraleey ah isagoo ku dhacay dhooxo.
Dadka ku dhintay shilka ka dhacay koonfurta galbeed ee Pakistan ayaa waxaa ka mid ah haween iyo carruur.
Maamule ku xigeenka degmada Qila Saifullah oo ilaa 200 oo kiilomitir dhanka waqooyiga uga beegan magaalada Quetta ee gobolka Balochistan Maxamad Qasim ayaa sheegay in dadka shilka ku nafwaayay meydadkoodu la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaal halkaasi ku yaalla.
Waxaa uu sheegay inaysan jirin cid shilkaasi ka badbaaday.
Maxamad Qasim ayaa horay warbaahinta u sheegay in 18 qof ay dhinteen hasa ahaate waxaa uu mar dambe ku wargeliyay in samatabixiyeyaasha ay burburka baabuurka ka soo dhex saareen afar meyd oo kale.
Madaxweynaha Pakistan Arif Alvi iyo mas’uuliiyinta kale ee dowladda dalkaasi ayaa u tacsiyeeyay qoyska iyo ehellada ay dadkooda ku dhinteen shilka.