Mudanaha laga soo doortay deegaanka Dadaab ee ismaamulka Garissa Dr. Maxamad Daahiye Ducaale ayaa hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR uga mahadceliyay labo baabuur oo ay ku wareejisay waaxyaha caafimaadka iyo ilaalinta dhirta ee Dadaab.
Sidoo kale waxaa uu faahfaahin ka bixiyay faa’iidada uu leeyahay xeerka deegaamaynta qaxootiga ee dhaqangalay bishii labaad ee sanadkan.