Waxaa gobolka Nyanza ee dalka lagu daahfuray wajiga saddexaad ee barnaamijka nadiifinta deegaannada ee loo yaqaano Kazi Mtaani.
Qorshahan shaqaaleysiinta ayaa waxaa muddo saddex bilood ah ka faa’iidaysan doono ilaa 14,000 oo dhallinyaro ah.
Iskuduwaha dowladda dhexe ku matalo gobolka Nyanza Magu Mutindika ayaa arrintan faahfaahin ka siiyay warbaahinta isagoo sheegay in barnaamijkan fursad uu siinaya dhallinyarada badankoodu ay saameynta dhaqaale ka soo gaartay cudurka COVID-19.