Guddi ka kooban saddex garsoore ayaa hakiyay ku tallaaba qaadka amar ku meel gaar ahaa oo barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko u diidayay inuu warqadihiisa u gudbiyo guddiga doorashooyinka si loogu oggolaado inuu bisha Siddeedaad u tartamo xilka guddoomiyaha ismaamulka Mombasa.
Garsoorayaashan ayaa kala ah David Majanja, Chacha Mwita iyo Mugure Thande.
Waxay dhinac iskaga dhigeen amarro horay uga soo baxay maxkamadaha sare ee Nairobi iyo Mombasa.
Xaakinnada ayaa sheegay in Mike Sonko uu u madax bannaan yahay inuu warqadihiisa soo bandhigo oo ay IEBC leedahay go’aanka lagu qaabilaya ama la diidaya.
Guddiga ka kooban saddexda garsoore ayaa waxaa dhawaan soo magacawday madaxa cadaaladda dalka Martha Koome si ay u eegaan ilaa sagaal dacwadood oo ka dhan ah Sonko iyo Karong wathangwa oo u tartamaya xilka senatarnimo ee Kiambu.
Xaakinnada ayaa ku taliyay in kiisaskan la dhageysto 9-ka bishan June wuxuuna qorshuhu yahay in Sonko uu warqadihiisa berri u gudbiyo IEBC.