DHAGEYSO:Raila oo tabashooyin u gudbiyay IEBC

0
325

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja — One Kenya Alliance Raila Odinga oo uu shalay guddiga doorashooyinka ee IEBC u ansaxiyay u tartamidda hoggaanka wadanka ayaa gudbiyay tabashooyin uu doonaya in wax laga qabto.
Qodobbada Raila oo ka koobnaa 10 ayaa waxaa ka mid ah in guddiga uu faahfaahiyo inuu diyaariyay qaab lagu gudbin karo tabashooyinka la xiriira tabinta doorashada ee goobaha codbixinta iyo sidoo kale xarunta dhexe ee tirinta.
Raila ayaa guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati weydiiyay xilliga ay arrintan la wadaagayaan saamileyda siyaasadeed.
Raila ayaa sidoo kale dalbaday inuu ogaado halka ay marayso diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ismaamul kasta iyo deegaannada hoos taga.
Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio ayaa sidoo kale guddiga weydiiyay inay diyaar tahay warbixinta hordhaca ee shirkadda baaritaannada ku sameynaysa diiwaanka codbixiyeyaasha iyo haddii ay diyaar tahay maxaa lagu ogaaday dabagalka.
Waxaa uu dalbaday in guddiga doorashooyinka uu caddeeyo xilliga warbixintan shaaca laga qaadaya.
Raila ayaa sidoo kale IEBC weydiiyay tallaabooyin ay ku xaqiijinayso in xilliga doorashada aysan jirin gaabad dhanka ilaalinta xogaha doorashooyinka iyo tasiilaadka.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka waxaa kale oo uu IEBC weydiiyay in ilaa iyo hadda ay qaadday tallaabooyin lagu xallinaya dulduleelkii sababay in sanadkii 2017-kii ay maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ay laasho natiijadii madaxtinnimo.
Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC , Wafula Chebukati oo u jawaabayay Raila Odinga ayaa u xaqiijiyay in dhammaan arrimaha uu ka hadlay ay yihiin kuwo uu guddigu la tacaalaya sidaas awgeedna isaga iyo si guud kenyaanka aan looga baahneyn inay ka walwalaan maareynta doorashada.
Chebukati ayaa xusay in ka guddi ahaan ay fahansan yihiin halka laga doonayo inuu marayo diyaar garowgooda ku aaddan codeynta bisha Siddeedaad.
Waxaa uu shaaciyay in 9-ka bishan Lixaad ee June la tijaabin doono qalabka elektorooniga ee loo adeegsanaya soo bandhigidda natiijada doorashada ee deegaannada ilaa xarunta dhexe.
Guddoomiyaha IEBC ayaa musharrax madaxweyne oo kasta oo tabashooyin qabo ku boorriyay inuu guddiga la wadaago oo aynan ku soo bandhigin keliya isku soo baxyada siyaasadeed.
Dhanka kale Raila Odinga , ku xigeenkiisa Martha Karua iyo xulafadooda siyaasadeed oo shalay isku soo bax ku qabtay ismaamulka Nakuru ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inay ku guulaysan doonaan tartanka madaxtinnimo.
Waxay ballanqaadeen inay si wayn ula tacaali doonaan arrimo uu ka mid yahay musuqmaasuqa.