Cabdirashiid Maxamad Xaashi, afhayeenkii madaxweynihii 9-aad ee dalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay lacagaha guriga sida mutadawacnimada ah loogu dhisayo Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.
Cabdirashiid ayaa sheegay in fekradaha ay ka timid dhanka bulshada islamarkana uu madaxweyne Farmaajo aqbalay soo jeedintaas.
Waxaa uu sido kale boogaadiyay tallaabadan isaga oo ku tilmaamay mid taariikhi ah oo aysan ka dhicin in dal Afrikaan ah uu sidan sameeyo.
Ahayeenka ayaa ka gaabsaday inuu sheego cadadka ilaa iyo hadda loo uruuriyay lacagaha lagu dhisayo guriga madaxweynihii hore ee soomaaliya kaas oo sido kale loo bixinayo guriga madaxweynaha shacabka.
Dhanka kale waxaa uu sheegay in dadka ugu badan ee soo diraya lacagaha ay yihiin ciidamada qalabka sida, si gaar ah isaga oo tilmaamay inay ku boogaadinayaan qaabkii wanaagsanayd ee uu u bixin jiray mushaarkoodii.