Dowladda dhexe ayaa sheegtay inay ahmiyad gaar ah siinaysa xaafadaha isku raranta ah ee dalka iyo meelaha kale ee u nugul rabshadaha siyaasadeed ka hor iyo ka dib doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay si joogto ah ula socdaan xaaladaha amni ee meelaha laga cabsi qabo inay rabshado ka dhacaan xilliga doorashada.
Mr. Matiangi ayaa carrabka ku dhuftay in si gaar ah isha lagu hayn doono amniga xaafadaha aan si rasmi ah loo deegaamayn ee magaala madaxda wadanka ee Nairobi iyo kuwa kale ee ku yaalla magaalooyinka waaweyn ee dalka.
Waxaa uu ka jawaabay welwelka ku saabsan dilalka sharci darrada ah ee laga soo tabiya xaafadaha aan si rasmi ah loo deegaamayn iyo kacdoonka qowmiyadeed.
Waxaa uu sheegay in dilka aan sharciga waafaqsanayn ay tahay siyaasad ay qaateen waddamada qaar ee caalamka, hasa ahaate uu sharciga Kenya faraya in la soo qabto eedaysanayaasha falalkan gaysto si loo horgeeyo maxkamadda awoodda u leh.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa dhanka kale xusay in awoodda booliska ee wadanka ay toban jeer ka wanaagsan tahay sidii ay ahaan jirtay toban sano ka hor, madaama uu tilmaamay in dib u habeyn lagu sameeyay waaxyaha amniga.
Waxaa uu sheegay in howlgallada amniga ee socda iyo awoodsiinta laamaha ammaanka ay hoos u dhigeen khatarta burcadda xoolaha ku dhawaad 75 boqolkiiba.
Waxaa uu ugu dambeyn ku baaqay in wada shaqayn dheeraad ah la la sameeyo madaxda la doortay si loo iftiimiyo loona xoojiyo awoodsiinta dhallinyarada, si looga hortaggo falalka aan wanaagsaneyn ee la xiriira burcadnimada.