EACC oo xannibtay hantida Waititu

0
454

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa helay awood maxkamadeed oo uu ku xannibaya hantida barasaabkii hore ee ismaamulka Kiambu , Ferdinand Waititu.
Waxaa amarkan guddiga siisay maxkamadda sare ee wadanka.
Xaniibaadda ayaa saameynaysa 18 lagu tilmaamay hanti muhiim ah iyo 7 baabuur oo uu leeyahay Waititu.
Maxkamadda ayaa sheegtay in xannibaadda hantiyeed ay sii jiri doonto ilaa iyo inta dhageysi ka dib go’aan laga gaaraya kiis ku saabsan dhaqaale dhan 1.9 bilyan oo uunan Waititu faahfaahin sida uu ku helay.
Garsoore Esther Maina ayaa Mr. Waititu, xaaskiisa Susan Ndungú iyo shirkadahooda ka hor istaagtay inay iibiyaan , cid kale ku wareejiyaan ama si ay ahaataba u farageliyaan hantida iyo baabuurta xayiraadda la saaray.