Macluumaadkaga IEBC oo aad ugu dambeyn maanta xaqiijin karto

0
555

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa shaaciyay in kenyaanka ay haystaan ugu dambeyn maanta si ay u xaqiijiyaan macluumaadka uu guddigu ku diiwaangeliyay.
Xaqiijinta oo soo billaabatay 4-tii bishii hore ee May ayaa ku eg saqda dhexe ee caawa.
Howshan ayaa ka socotay deegaan baarlamaneedyada kala duwan ee dalka .
IEBC ayaa sheegtay in codbixiye kasta laga doonayo inuu hubiyo inay sax yihiin macluumaadka aqoonsigiisa qaran ,magacyadiisa , iyo goobta uu ka codeyn karo 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa uu qofku tagi karaa xarumaha diiwaangelinta ee IEBC ee deegaankiisa ama waxaa uu nambarka aqoonsigiisa qaran ee kibaandhaha ama baasaboorkiisa farriin gaaban ahaan uu ugu diri karaa nambarka ah 70000.
14-kii bishii May ee sanadkan ayay ahayd markii guddoomiyaha guddiga IEBC ,Wafula Chebukati uu sheegay in keliya 506,190 oo codbixiyeyaal ah ay xaqiijiyaan macluumaadkooda.
Dhanka kale guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee dalka ayaa xaqiijiyay in si wayn loo ilaalinaya xogaha kenyaanka oo aynan cidna si khaldan u adeegsan doonin.