Madaxweynaha dalka iyo dhigiisa Maraykanka oo wada hadlay

0
913


Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo dhigiisa Maraykanka Joe Biden ayaa markii ugu horreysay khadka taleefoonka ku wada xiriiray.
Biden ayaa dowladda Kenya uga mahadceliyay kaalinta hoggaamineed ee ay kaga jirto arrimaha geeska Afrika.
Sidoo kale Kenya ayaa lagu ammaanay doorka ay ka qaadanayso la dagaalanka argagixisada , kobaca dhaqaale , la tacaalidda isbeddelka ku yimaado cimillada iyo ka shaqeynta horumarka waara.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda baniaadanimo ee hoos u sii dhacaysa ee Itoobiya gaar ahaan gobolka Tigray waxayna ku heshiiyeen in laga hor tago dhibaatooyin dheeraad ah.