DHAGEYSO:Madaxweyne Xasan Sh:Waxaan soo aragnay dad ay Al-Shabaab u diideen inay wax tabcadaan, oo ku khasbeen inay gacmaha hoorsadaan

0
403

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay ururka Al-Shabaab inay dadka ku gobolka Baay u diideen inay wax tabcadaan, isagoo sheegay inay mas’uul ka yihiin in shacabka gacmahooda hoorsadaan.
Mr. Xasan Sheekh oo shalay booqasho ku tagay deegaanno hoos yimaada magaalada Baydhabo oo ay abaaruhu si aad ah u saameeyeen ayaa sheegay in ururka Al-Shabaab ay dadka ku khasbeen in beer falashada gacmaha kala baxaan, haddii aysan bixin lacago.

Waxaa uu sheegay jidka kaliya ee Soomaaliya u furan inuu yahay in Al-Shabaab la iska dulqaado, si loo soo celiyo sharafka dadka Soomaaliyeed ee ku hoos nool xukunkooda.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasaabad xalay ka dhacday magaalada Baydhabo, taasoo uu kusoo gabagabeynayay socdaalkiisii uu ku joogay maamulka Koonfur Galbeed.