Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa sheegay inuu dhawaan ku dhawaaqi doono arrin uu ku tilmaamay mid gilgilaysa saaxadda siyaasadeed ee wadanka.
Go’aankan ayaa la filayaa inuu muddo labo cisho gudahooda ah ku soo bandhigo.
Waxaa uu qowmiyadda uu ka soo jeedo ka codsaday inay u dulqaadato oo ay taageerto tallaabada dhanka siyaasadda ee uu qaadi doono oo uu ku sheegay mid ay dadkiisa dani ugu jirto.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu Musyoka shaaciyay inuu xilka madaxtinnimo ugu tartami doono tikeedhka xisbiga Wiper in kastoo ay isa soo tarayaan baaqyada loo jeedinaya ee ah inuu dib ugu biiro isbeheysiga Azimio La Umoja.
Dhanka kale waxaa uu qorshuhu yahay in Musyoka uu 4-ta bishan ka soo hormuuqdo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC si loogu ansaxiyo u tartamidda hoggaanka ugu sarreeya wadanka.