WHO oo walaac ka muujinaysa caabuqa Monkeypox

0
690

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in dunida laga xaqiijin karo xaalado dheeraad oo la xiriira caabuqa naadirka ee aadanaha uga soo gudbo xayawaanka ee loo yaqaano Monkeypox Virus.
Tani ayaa timid ka dib markii ay Who xaqiijisay 92 xaaladood oo cudurkan la xiriira iyo 28 laga shakisan yahay , 12 ka mid ah waddamada caalamka.
WHO ayaa intaasi ku dartay inay sare u qaaday kormeerka gudaha waddamada aan inta badan cudurka laga diiwaangelin.
Waxay intaasi ku dartay inay maalmaha soo socdo faahfaahin iyo jiheyn dheeraad ah soo saari doonto taaso ku saabsan sida faafinta xanuunkan lagu xakameyn karo.
Monkeypox ayaa markii ugu horreysay la ogaaday sanadkii 1958 xilligaasi oo uu saameeyay daanyeer cilmi baaris lagu sameynayay.
Kiiskii ugu horreeyay ee qof baniaadan ah oo uu ku dhaco waxaa laga diiwaangeliyay jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC sanadkii 1970-kii.
Intaasi ka dib waxaa xaalado kale laga xaqiijiyay qaar ka mid ah dalalka bartamaha iyo galbeedka Afrika in kastoo ay ugu badnaayeen DRC iyo Nigeria.
Astaamihiisa waxaa ka mid ah in qofka ay gacmaha cuncunaan ka dibna,malax gasho oo ay isku beddesho nabro muuqda.