DHAGEYSO:Kalonzo Musyoka oo loogu baaqay inuunan ka bixin Azimio

0
330

Qaar ka mid ah hoggaamiyaasha siyaasadeed ee xisbiga Wiper ee uu hoggaamiyo Kalonzo Musyoka ayaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka kula taliyay inuunan iskaga bixin isbeheysiga Azimio.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu Musyoka sheegay inuu u tartamaya xilka madaxtinnimo ee dalka isagoo matalaya xisbigiisa.
Go’aankaasi ayuu qaatay ka dib markii madaxa isbeheysiga Azimio Raila Odinga uu ku xigeenkiisa u soo xushay Martha Karua.
Siyaasiyiin ay ka mid tahay senatarka dowlad deegaanka Machakos Agnes Kavindu Muthama ayaa madaxa xisbiga Wiper ka codsaday inuu go’aankiisa dib uga fikiro.

Dhanka kale guddoomiyaha xisbiga UDA Johnson Muthama ayaa beeniyay inuu jiro garab siyaasadeed oo ay heshiis la saxiixanayaan.