Guddoomiye xaafadeedyada Marsabit oo lagu amray la shaqeynta ciidamada ammaanka

0
348

Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Marsabit Paul Rotich ayaa sheegay inay muhiim tahay wada shaqeynta saamileyda kala duwan si loo sugo amniga dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in iskaashi dhinacyo badan ah uu horseedi karo in dowladdu ay gacanta ku dhigto hubka sharci darrada ee bilooyinkii la soo dhaafay loo adeegsanayay iskudhacyada.
Rotich ayaa arrintan ka hadlay xilli uu ku sugnaa degmada Sololo halkaasoo kulan wacyigelin ah loogu qabtay guddoomiye xaafadeedyada Marsabit iyo ku xigeenadooda.
Paul Rotich ayaa xusay in guddoomiye xaafadeedyada ay door muhiim ah ka qaataan xaqiijinta badqabka shacabka isagoo amar ku siiyay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka si loola tacaalo badeecooyinka kontarabaanka ah iyo ka ganacsiga daroogada.
Baaqa mas’uulkan ayaa ku soo aadaya iyadoo ismaamulka Marsabit uu weli ka jiro bandow u dhexeya 6-da maqribnimo ilaa 6-da subaxnimo oo ay dowladda dhexe soo rogtay si wax looga qabto falalka amni darro ee deegaanadaasi ku soo noqnoqday.