Dowladda dhexe ayaa dib ula wareegtay qori bishii Tobnaad ee sanadkii hore lagala baxsaday mid ka mid ah ciidamada ammaanka ee ismaamulka Laikipia ka dib markii dagaal culus uu saraakiisha iyo burcad halkaasi ku dhex maray.
Hubkan ayaa lagu wareejiyay mid ka mid ah guddoomiye xaafadeedyada Laikipia ka dib kulamo badan oo ay laamaha ammaanka la yeesheen dadweynaha.
Arrintan ayaa lagu shaaciyay bayaan ay soo saartay waaxda qaran ee adeegga booliska.
Waxaa bayaanka ku cad in ugu dambeyn qoriga la geeyay saldhigga booliska ee degmada Ol Moran .
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo deegaanka Kirima ,John Orata ayaa bulshada ku ammaanay sida ay laamaha ammaanka garab ugu siinayaan la tacaalidda falalka amni darro ee ay gaysanayaan kooxaha burcadda ah.
Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa dhanka kale dadweynaha weli haysta hubka sharci darrada ah ku boorrisay inay si iskood ah ugu soo wareejiyaan saraakiisha ammaanka.