Dowladda Soomaaliya oo fasaxday lacagtii Imaaraadka oo uu Farmaajo xayiray

0
345

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sii daysay lacag gaareysay 9.6 milyan oo doolar oo ay dowladda horay ugala wareegtay Imaaraadka Carabta bishii Afaraad ee sanadkii 2018-kii.
Lacagtaasi oo saarneyd dayuurad ay lahayd Imaaraadka ayaa hay’adaha sirdoonka Soomaaliya ay qabteen, waxaana ayna sabab u noqotay inuu xumaado xiriirkii dowladda Soomaaliya iyo UAE-da.
Dowladda Soomaaliya ayaa lacagtaasi xilligii ay qabaneysay u sababeysay inay sharci darro kusoo gashay dalka, balse Imaaraadka ayaa ku sheegay inay ahayd mid loogu talagalay mushaaraadka ciidan ay dowladda u tababartay iyo gargaar kale.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bishii koowaad ee sanadkan ku dhawaaqay in lacagtaasi oo taalay bankiga dhexe ee dowladda la sii dayn doono, balse waxaa lagu hakiyay wareegto ka soo baxday Madaxtooyada Soomaaliya.
Lacagtan ayaa la sheegay in maanta uu u qaaday Imaaraadka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo howlo shaqo ugu baxay Imaaraadka.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusud Al-Cadaala oo ka mid ah wafdiga rw Roble ee Imaaraadka u baxay ayaa laanta afka soomaaliga ee VOA-du u xaqijiyay siideynta lacagtaasi.
Imaaraadka ayaa howlgal uu ka billaabay Soomaaliya 2014-kii ku tababaray kumanaan ciidamada dowladda, waxa uu Muqdisho ka dhisay xarun lagu tababarro ciidamada iyo isbitaal ay gacanta ku hayeen.
Sidoo kale waxay taageero siin jireen ciidamada Puntland ee la dagaalanka burcad badeedda, balse waxaa howlihii ay Soomaaliya ka hayeen ay badankooda hakiyeen markii lacagtaasi lagala wareegay ee khilaafka dowladda kala dhaxeeya uu gaaray meel xun.