Waxaa xilka ra’iisul wasaaraha dalka Sri Lanka loo dhaariyay Ranil Wickremesinghe.
Tani ayaa timid ka dib markii uu iscasilay ra’iisul wasaarihii wadankaasi Mahinda Rajapaksa oo ay walaalo yihiin madaxweyne Gotabaya Rajapaksa oo dalkaasi hoggaamiyo.
Mas’uulkan ayaa horay xilka ra’iisul wasaaraha Sri Lanka u soo qabtay intii u dhexeysay 1993 -1994, 2001 – 2004, 2015 -2018 iyo 2018 – 2019
Sri Lanka ayaa wajahaysa caqabad siyaasadeed iyo hoos u dhac dhaqaale oo aad u baahsan.
Wickremesinghe, oo 73 sano jir ah ayaa markii ugu horreysay qabtay xilka ra’iisul wasaaraha Sri Lanka ka dib markii 1-dii bishii Shanaad ee sanadkii 1993 la dilay madaxweyne Ranasinghe Premadasa .