Maxkamad uu maamulo militariga dalka Myanmar ayaa haweeneydii wadankaasi hoggaaminaysay ee xilka laga tuuray Aung San Suu Kyi ku xukuntay 5 sano oo xabsi ah.
Waxay horay u wajahaysay dacwado badan oo la xiriira musuqmaasuqa.
Suu Kyi oo xilka laga xayuubiyay sanadkii hore ayaa iska fogeysay eedeymaha ah inay siyaasi qaab laaluush ahaan ah uga qaadatay dahab iyo boqolaal kun oo doolar.
Hasa ahaate taageerayaasheeda iyo khuburrada madaxa bannaan ee sharciga ayaa maxkamadeynta iyo xukunka lagu riday haweeneydan ku tilmaamay mid aan caddaalad ahayn.
Waxay ku sheegeen qorsho la doonayo in lagu sharciyeeyo maamulka militari sidoo kalena Suu Kyi looga hor istaago inay si firfircooni leh dib ugu soo laabato saaxadda siyaasadeed.