Xoghayaha guud ee QM oo socdaal ku tagaya Ruushka

0
386

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa lagu wadaa inuu maanta billaabo socdaal qaadanaya saddex cisho oo uu ku tagi doono dalalka Ruushka iyo Ukraine.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Guterres horay loogu dhaliilay sababta uu ugu hormaraya Ruushka ka hor inta uunan Khamiista gaarin Ukraine.
Sidoo kale waxaa uu safarkiisa ku soo aadaya iyadoo qaramada midoobay ay wajahayso dhaliil ah inaysan ka soo bixin kaalintii kaga aaddanayd maareynta dhibaatooyinka ka dhashay duullaanka militari ee uu Ruushka ku qaaday Ukraine 24-kii bishii labaad ee sanadkan.