Mas’uuliyiinta Maraykanka oo maanta la kulmaya madaxweynaha Ukraine

0
492
Blinken

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken iyo madaxa difaaca dalkaasi Lloyd Austin ayaa maanta lagu wadaa inay la kulmaan madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.
Kulankooda ayaa ka dhici doona magaalada caasimada ah ee Kyiv.
Maraykanka ayaa ku dhawaaqay gargaar cusub oo milateri oo uu siinayo Ukraine, wuxuuna ballan qaaday in dublamaasiyiintoodu ay ku laaban doonaan magaalada galbeedka ku taal ee Lviv toddobaadka soo socda.
Dhinaca kalena Ukraine waxay isku dayi doontaa inay samayso waddooyin bini’aadantinimo oo ka baxsan magaalada dekedda leh ee Mariupol Isniinta maanta ah sida ay sheegtay ra’iisul wasaare ku xigeenka wadanka Ukraine Iryna Vereshchuk.