Madaxweynaha Ukraine oo dhaliilay safarka Guterres ee Ruushka

0
532
Ukrainian President Volodymyr Zelenskiy attends a joint news conference with German Chancellor Olaf Scholz in Kyiv, Ukraine February 14, 2022. REUTERS/Valentyn Ogirenko

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ku dhaliilay inuu qorsheynayo inuu safar ku tago wadanka Ruushka ka hor inta uunan u sii gudbin Ukraine.
Zelenskyy ayaa qorshahan ku tilmaamay mid aan caqli-gal ahayn.
Xilli uu warfidiyeennada kula hadlay caasimadda Ukraine ayuu xusay inaysan caddaalad ahayn in Guterres uu socdaalkiisa ka billaabo Ruushka.
Waxaa uu su’aal geliyay sababta uu madaxa jimciyadda qurumaha ka dhexeysa uga wareeganaya dal sida uu hadalka u dhigay lagu xadgudbay oo ay waddooyinkiisa meydad yaallaan oo uu marka hore ula kulmaya dhanka duullaanka militari soo qaaday.
Zelenskyy ayaa mar kale ku baaqay kulan uu la yeelanaya dhigiisa Ruushka Vladimir Putin si dagaalka loo soo afjaro.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo la filaya in xoghayaha guud ee qaramada midoobay , Antonio Guterres uu maalinka Talaadada ah gaaro magaalada Moscow ka dibna Khamiista uu tago Kyiv .