kursi doorashadiisu ka dhacayso Baydhabo oo la isku diiwaangaliyay

0
348

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer maamul Goboleedka ee Koonfur Galbeed SEIT ayaa Shahaadad Musharaxnimada Maanta gudoonsiiyey Sareedo Maxamed Cabdalla iyo Nasteexo Maxamed Yuusuf oo ku tartamaya kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#154.
Kursigaan ayaa doorashadiisa horay loogu qabtay magaalada baydhabo, waxaana ku guuleysatay Sareedo Maxamed Cadalla oo horay ugu fadhiday balse Guddiga doorashoyinka heer Federaal ayaa laalay natiijada doorashada kursigaas, isla markaana dalbaday in lagu celiyo.
Hop#154 ayaa kamid ahaa Saddex Kursi oo khilaaf ka dhex abuuray Maamulka Koonfur Galbeed & Guddiga doorashooyinka Heer Federaal wallow labada kursi ee kale la fasaxay.
Maalinta Berito oo khamiis ah ayaa la filayaa in magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka baay lagu qabto doorashada kursiga Hop#154, kaasoo ay ku tartami doonaan Sareedo Maxamed Cabdalla iyo Nasteexo Maxamed Yuusuf.