DHAGEYSO:Xubnaha gudiga FEIT oo isku khilaafsan doorashada kuraasta gobolka Gedo

0
316

Waxaa xalay Magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo ku hoyday xubno ka tirsan guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer Federaal ee Soomaaliya iyo kan xallinta khilaafaadka doorashooyinka.
Xubnahaas ayaa ujeedada ay halkaasi u tageen ku sheegay qiimaynta inay magaaladu diyaar u tahay in doorasho lagu qabto iyo sidii doorashada kuraasta baarlamaanka ee taalla magaaladaas loo qaban lahaa.
Arrintan ayaa timid iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya inay kala qaybsameen xubnaha guddiga FEIT ee doorashooyin, xilli guddoomiyaha guddiga doorashada heer Federaal iyo xubno la socda ay ku sugan yihiin magaalada Kismaayo iyagoo doonaya in kuraasta Garbahaarrey taalla lagu qabto doorashadooda magaalada Ceelwaaq.
Xubnaha gaadhay magaalada Garbahaareey ayaa war ay soo saareen ku sheegay maadaama ay ihiin ayagu guddiyada hirgelinta doorashooyinka ee FEIT iyo xallinta khilaafaadka. 6 xubnood oo guddiga FEIT ah iyo 4 xallinta khilaafaadka ka socda ay gaareen magaalada Garbahaarrey.
Sarkaalka maaliyadda u qaabilsan guddiga FEIT ayaa sheegay in iyagu ay is xilqaameen, isla markaana ay ku dedaalayaan in kuraasta Gedo aysan ka harin doorashada guddoonka baarlamaanka oo lagu wado inay dhawaan dhacdo.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Go’aankii 14-kii bishan lagu sheegay inuu ka soo baxay guddiga FEIT ee lagu shaaciyay in laga wareejiyay deegaan doorashadii labaad ee Jubaland looguna wareejiyay Ceelwaaq uusan ahayn go’aan rasmi ah oo guddiga ka soo baxay, maadaama uusan jirin guddi farriistay oo go’aan ka qaatay arrintaas.
Maamulka gobolka gedo iyo xubnaha gudiga ayaa warbaahinta la hadlay.

Xubnaha ugu sareeya Guddiga doorashooyinka Heer Federaal iyo oo kaashanaya hoggaanka Sare ee Maamulka Jubbaland ayaa dhawaan sheegay inay doonayaan in Magaalada Ceelwaaq ku qabtaan doorashada 16 kursi ee baarlamaanka Soomaaliya ka soo galaya gobolka Gedo.