Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada difaaca ee Israa’iil ay saddex qof oo u dhashay dalka Falastiin ku toogteen daanta galbeed.
Dadkan ayaa waxaa ka mid ah wiil da’diisu lagu sheegay 14 sano.
Waxaa dilka loo gaystay saddexda ruux xaqiijisay wasaaradda caafimaadka ee Falastiin.
Militariga Israa’iil ayaa ku andacoonaya in wiilka yar uu bam ku tuuray ciidamada oo dilkiisa rasaas nool uga falceliyay.
Israa’iil ayaa saddexdii toddobaad ee ugu dambeeyay sare u qaadday howlgallada ay ka fuliso daanta galbeed halkaaso lagu dilay 14 qof.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warramaysa in tan iyo bishii koowaad ee sanadkan, ciidamada difaaca ee Israa’iil ay dileen in ka badan 20 qof oo Falastiiniyiin ah.
Bishii Shanaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii muddo 11 cisho ah ay Israa’iil duullaan ka wadday marinka Gaza halkaaso ay ku dhinteen 232 qof.