Madaxweynaha Ruushka oo sheegay inay waayeen xal aan ka ahayn inay Ukraine ku duulaan

0
491

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in dowladiisa ay ka fuursan wayday inay ku duusho Ukraine.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inaysan xukuumadda Moscow u soo bixin xal kale oo aan ahayn duullaan militari.
Putin ayaa xusay inay si buuxda u haleeli doonaan ujeeddooyinkii ay ka lahayeen tallaabadii ay qaadeen 24-kii bishii labaad ee sanadkan.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu socdaal ku tagay gobolka bariga fog ee Amur halkaaso uu kulan kula qaatay dhigiisa Belarus Alexander Lukashenko.