Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in wax ka badan saddex meelood labo meel tirada dadka ku nool waddamada qaaradda Afrika ay suurtagal tahay inuu haleelay cudurka COVID-19.
Warbixinta ayaa lagu eegay labadii sano ee la soo dhaafay.
Tiradan ayaa u dhiganta in ka badan 97 mar xaaladaha guud ee la diiwaangeliyay.
Baaritaano laga sameeyay sheybaarrada Afrika ayaa lagu ogaaday 11.5 milyan oo ah kiisaska corona iyo 252,000 qof oo ugu dhimatay qaaradda.