Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya Maxamad Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya ra’iisul wasaare Maxamad Xuseen Rooble iyo Maamulka Koonfur Galbeed, kaasoo la xiriira arrimaha doorashooyinka.
Guddoomiye Mursal oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay si loo sii amba qaado howlaha dhameystirka doorashooyinka ay muhiim tahay in la dhageysto tabashooyinka ay qabaan Koonfur Galbeed.
Waxaa uu intaasi ku daray in aan la dhaarin karin Xildhibaannada labada Aqal, iyagoo ay maqan yihiin Xildhibaannada laga soo doortay degaannada Koonfur Galbeed.
Guddoomiye Mursal ayaa maamul goboleedyada kale ugu baaqay inay ka qayb qaataan xal u helidda khilaafkan.
Waxaa uu sheegay in haddii baarlamaanka la dhaariyo iyadoo ay maqan yihiin xubnaha Koonfur galbeed laga soo doortay aysan taas micnaheedu ahayn in la dhaariyay baarlamaan federaal ah balse ay tahay in 4 maamul goboleed oo iskaashaday ay dhaariyeen xubnahooda.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Guddoomiye Mursal oo ka digay in baarlamaan la dhaariyo iyadoo xubnaha Koonfur...