Waxaa lagu soo warramayaa in madaxweynaha dalka Yemen Cabdrabbu Mansur Hadi uu xilka qaadis ku sameeyay ku xigeenkiisa Cali Mohsen al-Ahmar.
Waajiibadkii shaqo ee madaxweyne ku xigeenka ayuu Hadi ku wareejiyay golaha madaxtooyada sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska hoggaamiyaha Yemen.
Waxaa uu qoraalka tilmaamaya in goluhu uu fulin doono shaqooyin la xiriira siyaasadda , difaaca iyo amniga inta lagu guda jiro xilliga ku meel gaarka ah.
Madaxweyne ku xigeenka xilka laga qaaday ee Yemen ayaa ah siyaasi awood leh oo horay u soo noqday taliye militari.