Maraykanka oo Ukraine siinaya 100 milyan oo doolar oo gurmad dheeraad ah

0
652

Dowladda Maraykanka ayaa la filayaa inay dalka Ukraine ku wareejiso gargaar dhanka amniga oo ku kacaya 100 milyan oo doolar.
Waxaa arrintan shaaciyay xoghayaha arrimaha dibadda ee xukuumadda Washington Antony Blinken .
Tani aya imaanaysa iyadoo ay isa soo tarayaan xayiraadaha ay reer galbeedku saarayaan dowladda Ruushka oo lagu eedeyay in ciidamadeeda ay magaalada Bucha ee Ukraine shacab ugu gaysteen xasuuq in kastoo ay Moscow taasi beenisay.