Muxuu yahay mowqifka Galmudug ee ku aadan khilaafka cusub ee doorashada Soomaaliya?

0
432

Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa bayaan ay soo saaray ku sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xaaladda khilaafka kasii daraya ee hanaankii doorashada oo marayay meel gabogabo ah.
Galmudug ayaa sheegtay inay ka xuntahay in doorashooyinkii oo heer gabogebo ah maraya la abuuro jawi xasilooni darro siyaasadeed oo dhaawici kara dhameystirka doorashooyinka.
“Galmudug waxay garwasantahay in doorashooyinka dalka lagu soo waday wadatashi, isu-tanaasul iyo wadar-ogol, go’aan kasta oo hal dhinac ahna wuxuu khatar galin karaa wadajirka hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaran”
“Dowladda Galmudug waxay adkayneysaa baahida loo qabo ilaalinta hannaankii lagu heshiiyay, taasoo xaqiijineysa khilaaf kasta in lagu xalliyo wadajirka Madasha Wadatashiga Qaranka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.