Madaxweynaha Ukraine oo sheegay in Ruushka uu ugu yaraan 300 oo qof ku dilay Bucha

0
507

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegaya in weerarro ciidamada difaaca ee Ruushka ay ka fuliyeen magaalada Bucha lagu dilay in ka badan 300 oo qof oo shacab ah.
Xukuumadda Moscow ayaa dhankeeda beenisay eedeymaha ah in saraakiisheeda ay bartilmaameedsadeen rayid.
Dhanka kale dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay miiska saaran yihiin xayiraado cusub oo lagu soo rogaya shidaalka laga dhoofiyo dalka Ruushka ee loo iibgeeyo waddamada kale.