Saamileyda tacliinta oo ku baaqay in la tageero dadka nugul

0
876

Saamileyda arrimaha waxbarashada ee dalka ayaa ku baaqay in tageero dheeraad ah la siiyo carrurta kaaso jeeda qooysaska danyarta ah si looga ilaaliyo waxyeelada cudurka COVID -19.
Sida laga soo xigtay xarunta qaabilsan tacliinta aan rasmiga ahayn ee WAMO taas oo uu aasaasay Kennedy Sakwa , qoysaska ku nool xaafadaha isku raranta ah ayaa badankoodu la daala dhacaya in carrurtooda ay ka tageeraan waxyaabaha aasasiga ah.
Sakwa oo ka hadlay deeqaha ay cunada ka mid ka tahay ayaa sheegay in carrurta ka soo jeeda qoysaska saboolka ah ay halis ugu jiiran in iskaga haraan waxbarashada maadaama ay waalidintooda ku howlan yihiin isku dhelitirka xallinta baahiyahooda aasasiga iyo in carrurtoodu heelaan waxbarasho anfacdo.
Ajay Jawla oo isna ah sarkaal la shaqeeya shirkadda Revere technologies ayaa shacabka Kenyanka ee dhaqalaha leh ugu baaqay in ay tageeraan dadka danyarta ah si gaar ah xarumaha badbaadinta iyo guriyaha carrurta ee sameeynta dhaqaale wajahaya cudurka COVID-19 awgii.
Tan iyo markii kiiskii ugu hooreyaay laga diiwaangaliyay dalka 13-kii bishii saddeexaad ee sanadkii hore dalka ayaa wajahay xaalad dhaqaale xumo iyo cuna yari.
Khubarada ayaa ka digaya in hoos u dhaca dhaqaale ee dalka ka jira ay u badan tahay inuu noqdo mid aad u ballaaran oo muddo dheer soconaya taas oo keentay in ay meesha ka baxdo rajada dalka ee ah inuu gaaro himilooyinka horumarineed ee muddada dheer sida yoolalka horumarka waara ee loo yaqaano SDGs.