Maraykanka oo ka cabsi qabo in muwaadiniintiisa lagu xiro Ruushka

0
357

Dowladda Maraykanka ayaa soo saartay digniin ay u jeedinayso shacabkeeda ku nool gudaha dalka Ruushka.
Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay inay suurtagal tahay in xukuumadda Moscow ay si gaar ah u bartilmaameedsato Ameerikaanka halkaasi ku sugan.
Waxay waaxdu mar kale soo celisay digniin ay horay u dirtay oo ahayd in dadweynaha Maraykanka aynan u safrin Ruushka.
Sidoo kale shacabka halkaasi ku sugan ayuu Maraykanku ugu baaqay inay sida ugu dhakhsiyaha badan uga soo baxaan.
Xukuumadda Washington ayaa ka mid ah dowladaha sida wayn u cambaareeyay duullaanka militari ee uu Ruushku dalka Ukraine ku qaaday 24-kii bishii Labaad ee sanadkan.
Tallaabadaasi ayay waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ku sheegtay gardarro aan loo qiil dayi karin oo ay suurtagal tahay in go’aanka ay ka qaateen awgiis , maamullada ammaanka ee Ruushka ay ku dhibaateeyaan muwaadiniinta wadankaasi kaga sugan.