Waxaa guud ahaan dalka ka billaabatay shaqaaleysiinta dhalinyarada doonaya in ay ku biiraan ciidamada booliska ee wadanka.
Dhalinyarada la howlgelinayo ayaa tiro ahaan dhan 5,000 ka hor inta aynan tababaro ku qaadan machadyada kala duwan.
Taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Mr. Hilary Mutyambai ayaa cid kasta oo doonayo in ay ku biirto ciidamada ammaanka ku boorriyay in ay isa soo saarto.
Waxaa uu ka digay isku day walbo oo ku aaddan laaluush bixin ama laaluush qaadasho.