Xoghayaha guud ee qaramada midoobay oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday garoonka Aadan-Cadde

0
464

Xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa Antonio Guterres ayaa uu si kulul u cambaareeyay weerarradii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay lagu qaaday xarumo ku yaalla gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed uu soo saaray Antonio Guterres ayaa waxaa tacsi tiiraanyo leh loogu diray qoysaska dhibbanayaasha, wuxuuna u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay caafimaad degdeg ah.
Waxaa uu ku baaqay in dambiilayaasha weerarka gaystay cadaaladda la horkeeno.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa waxa uu sheegay in jimciyadda qurumaha ka dhexeyso ay si buuxda u garab taagan tahay, una taageereyso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka ay kula jiraan waxa loogu yeero “Argagixisada”.
“Qaramada Midoobay waxay si buuxda u garab taagan tahay una taageereyso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, waxayna mar kale xaqiijineysaa inay ka go’an tahay inay ku taageerto sidii nabad iyo amni loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkii shalay dhacay ayaa sheegtay inay weerarka ka dhacay Xerada Xalane ay ku dileen dhowr ruux oo isugu jira cadaan iyo Afrikaan, sidoo kalena dab qabadsiiyeen qaybo ka mid ah xerada oo ah Saldhigga ugu wayn ee Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Muqdisho, ayna ku yaallaan Safaarado.