Ciidamada difaaca ee dalka Ruushka ayaa lagu eedeyay inay maalin kasta magaalada Mariupol ee wadanka Ukraine ay u adeegsadaan 50 ilaa 100 bambooyin ah.
Waxaa arrintan shaaca ka qaaday maamullada magaladaasi.
Tallaabadan ayay ku tilmaameen mid gaysanaysa burbur aad u wayn.
Golaha magaalada Mariupol ayaa bayaan ku sheegay in xaalad aanan fududeyn ay halkaasi ka jirto .
Waxaa uu goluhu sheegay in qiyaastii boqolkiiba 80 ee dhismooyinka magaaladaasi lagu burburiyay weerarrada militari ee xukuumadda Moscow oo soo billowday 24-kii bishii labaad ee sanadkan.