DHAGEYSO:5,000 oo ka mid ah carruurta Garissa oo laga daweeyay kaadi macaanka

0
441

Barnaamij ay fulisay hay’adda tabarucaadda ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom Foundation ayaa waxaa xanuunka sokorowga looga daweeyay ilaa 5,000 oo ka mid ah carruurta ismaamulka Garissa.
Bayaan ay Safaricom soo saartay oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Star FM ayaa waxaa ku cad in barnaamijkan lala kaashaday dowladda ismaamulka Garissa, hay’adaha aan dowliga ahayn ee Goldstar Kenya iyo midda maareynta cudurka kaadi macaanka ee Kenya Management and Information Centre.
Shirkadda ayaa sheegtay inay diiradda saareysay in xilli hore la ogaado cudurka , baaritaanka iyo maareynta nooca koowaad ee loo yaqaano Type 1 .
Sidoo kale 435 oo carruur ah ayaa si joogta ah u helo daryeelka ka dhanka ah sokorowga iyadoo 60 sarkaal oo bulshada si iskood ah ugu adeego ay qayb ka yihiin barnaamijkan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qorshahan oo soo socdday saddex sano uu bishan ku egyahay.
Safaricom Foundation ayaa ku bixisay maalgelin dhan 120 milyan oo shilin si ay uga faa’iidaystaan carruurta dowlad deegaanka Garissa.
550 oo carruur ah ayaa sidoo kale la siiyay tababar ku aaddan inay si shakhsi ah u maareeyaan xaaladooda caafimaad ee xanuunka kaadi macaanka iyadoo in ka badan 200 oo qoysas ah laga diiwangeliyay waaxda qaran ee caymiska caafimaadka ee NHIF.
Maxamad Saciid waxaa uu ka mid yahay dadka barnaamijkan ka faa’iidaystay, dareenkiisa ayuuna warbaahinta la wadaagay.