Kormeerayaal matalaya guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha oo la soconaya doorashada

0
383

Guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha ee (KNCHR) ayaa sheegay inuu xilliga doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan howlgelin doono 100 kormeerayaal ah oo si dhow ula soconaya arrimaha codeynta.
Waxaa qorshahan shaaca ka qaaday madaxa fulinta ee guddigan Bernard Mogesa .
Mogesa ayaa arrintan sheegay xilli mas’uuliyiinta sare ee KNCHR ay xafiiskiisa ku booqdeen guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Trans Nzoia Samson Ojwang.
Mr.Ojwang ayaa Mogesa iyo saraakiisha kale u xaqiijiyay taageerada dowladda dhexe ee lagu xoojinayo xuquuqul aadanaha.
Iyadoo uu sii xoogeysanaya ololaha siyaasadeed ee la xiriira doorashada guud ayuu madaxa fulinta ee guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha uu dadweynaha u xaqiijiyay inay ku dadaalayaan ilaalinta xuquuqul insaanka ka hor doorashada, inta lagu guda jiro iyo marka la soo gabagabeeyo ka dib.
Mogesa ayaa intaasi ku daray in guddigu uu hadda matalaad ku leeyahay 24 ka mid ah dowlad deegaannada wadanka.
Guddoomiye ku xigeenka KNCHR ,Dr. Raymond Nyeris ayaa dhankiisa sheegay inay socdaal ku tagayaan 47-da ismaamul ee ay Kenya ka kooban tahay si ay u soo qiimeeyaan qaabka loogu diyaar garoobaya doorashada.