Dowladda Ruushka ayaa sheegtay inay dalkeeda ka mamnuucday madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau iyo dhowr kale oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee xukuumadda Washington.
Shakhsiyaadka loo diiday inay gudaha u galaan Ruushka waxaa ka mid ah xoghayaha gaashaandhigga ee Maraykanka Lloyd Austin, madaxa sirdoonka CIA William Burns, la taliyaha qarankaasi ee dhanka amniga Jake Sullivan iyo xoghayihii hore ee arrimaha dibadda xilka madaxtinnimana u tartantay Hillary Clinton.
Tallaabadan ayaa ah mid looga fal celinayo xayiraadda Maraykanka uu ku soo rogay shakhsiyaad u dhashay Ruushka ka dib markii uu ku duulay Ukraine.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in magaca ra’iisul wasaaraha Canada dib looga kordhiyay liiska.